Premier Doug Ford wuxuu ku baaqay doorasho hore oo Ontaariyo ah, iyadoo maalinta cod bixinta ay tahay February 27. Saamiyada aad ayey ugu badan tahay shaqaalaha oo soo food saaray ilaalin la’aan iyo qeyb aad u badan ee bulshada aysan awoodin nolosha asaasiga ah sida hooyga, raashinka, iyo daryeelka caafimaadka. Haddii aad awoodid iyo haddii kale u codee, tani waa waqtigii la dhisi lahaa awooda shaqaalaha!
Sababaha suurtagalka ah ee uu Ford ugu yeeray doorasho sanad ka hor:
- Premier Ford waxa uu $200 jeegag u diray hadda dadka reer Ontaariyo ee xareeyay cashuurtooda sannadkii hore. Maalinta doorashada, dadku waxay ku codayn doonan jeegaga Ford ee $200 ayadoo weli xasuustooda ku cusub tahay.
- Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa qorsheynaya in 1-da Febraayo uu dhaqan geliyo canshuur dhan 25% waxyaabaha laga soo dhoofiyo Kanada. Tani waxay dhaawici doontaa ganacsiyada iyo shaqaalaha Kanada. Ford wuxuu sheeganayaa inuu u baahan yahay amar cusub si uu wax u qabto si degdeg ah si loo ilaaliyo Ontaariyo. (Si kastaba ha ahaatee, qabashada doorasho 4 todobaad ah oo sax ah marka tacriifadu soo galaan macneheedu waxa weeye in xisbiyadu ku mashquuli doonaan ololaha halkii ay ka soo saari lahaayeen shuruuc na ilaalinaya.)
- Ford waxa uu ka hordhacayaa waxyaabaha xun oo ay saxafada ka qortay, oo ay ku jirto in RCMP ay wado dambi baaris Ford iyo Go’aanka dawladda ee ah in la furo Xeendabka Cagaaran (Greenbelt) (aag la ilaaliyo oo dhul beereed ah, kaymo, dhul-qoyan, iyo biyo-mareenno) horumariyayaal gaar ah. Sidoo kale, Xafiiska Xisaabtanka Maaliyadda ee Ontaariyo ayaa dhawaan soo saartay warbixin sheegaysa in go’aanka gobolka in lagu iibiyo khamriga dukaamada fudud ee xaafadaha ku yaala waxay ku kordhinayaan cashuur bixiyayaasha 600 milyan oo dheeraad ah.
Maxaa dhib ku ah ama ka soo gaari kara shaqaalaha?
Tan iyo markii uu Premier Ford la wareegay xafiiska, dowladdiisu waxay si isdaba joog ah uga hormariyay danta shaqaalaha kuwa ganacsiyada waaweyn leh. Anaga ma rabno 4 sano oo kale oo go’aanno sidan oo kale ah:
- Bishii Nofembar, dawladda Ontario waxay ku dhawaaqday inay $2.5 bilyan ka qaadanayso Guddiga Badbaadada iyo Caymiska Shaqaalaha (WSIB) oo ay gelinayso jeebabka ganacsiyada. Laakin shaqaalaha dhaawacmay ayaa weli ku nool faqri.
- Dawladda Ford waxay ansixisay shan qaybood oo ah “U Shaqaynta Shaqaalaha” ee sharciyada shaqada, laakiin waxay keeni la’yihiin weli in la sameeyo isbeddel si dhab ah u ilaaliya shaqaalaha.
- Xatooyada mushaharka ayaa ku baahday xukuumadda Ford, taas oo ku guuldareysatay in ay ururiso ku dhawaad 60 milyan oo doolar oo ah mushaharo aan la bixin inta u dhaxaysa 2018 iyo 2025.
Maxay qaban karaan shaqaaluhu?
Waxaan ognahay in isbedel dhab ahi yimaado marka shaqaaluhu isu abaabulaan waxa aan u baahanahay.
- U adeegso qoraalkan Weydii Musharaxiintaada (oo ku qoran Ingiriis) hage ahaan la hadalka siyaasiyiinta, iyo inaad wada hadal qoto dheer la yeelato deriskaaga.
- Weydii saaxiibadaada inay ku soo biiraan dhaqdhaqaaqa adoo soo diraya iimayl weydiinaya dhammaan xisbiyada siyaasadda, Jooji tuuganimada mushaharka. Oo ku martiqaad dhacdadaada xigta ee Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha (WAC)!
Si kasta oo ay naqato natiijada ka soo baxdaa doorasho kasta, waa in dhaqdhaqaaqayna uu sii wadaa dhismaha awoodda iyo halganka.
Cadaalada Shaqaalaha (Justice for Workers).