Iyada oo canshuuro badan lagu soo rogay badeecadaha Kanadiyaanka ah oo sida lagu wado bilaaban doonto Abriil 2 iyo doorashada federaalka degdegga ah ee Abriil 28, abaabulku waa muhiim daqiiqad kasta. Tan iyo markii aad ka soo qayb gashay Shir xaafadeedka ee Degdegga ahaa, xubnaha Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha (WAC) waxaa ay qaybiyeen warqado maclumaad ah, waxaa kale oo dhejiyeen boorar ay dadka ku weydiinayaan inay ka qayb galaan dagaalka loogu jiro taageerooyinka degdegga ah. Halkan waxaan ku soo koobnay warbixin ku saabsan waxa laga yaabo inaad tabaysay iyo waxa soo socdaba.
Cidina yaa laga Tagin
Tariifyada badeecadaha Kanada ee galaya Maraykanka ayaa ka dhigi doona qiimaha in uu kor u koco. Marka ganacsatada Mareykanka iyo macaamiishu ay doortaan inaysan Kanada ka soo iibsan alaab qaali ah, ganacsiyo badan ayaa shaqada ka cayrin doona shaqaale badan. Hal milyan oo shaqaale ah oo Kanada jooga ayaa laga yaabaa inay waayaan shaqooyinkooda sannadka ugu horreeya iyada oo ay jiraan kuwo kale oo badan.
Dhaqaale-yahaanadu waxay isku raaceen in Tacriifadu ay saamayn xun ku yeelan doonto dhaqaalaheena. Laakin istraajiiyadda dawladda ee hadda jirta oo ah in lacag la siiyo shirkadaha kaliya iyadoo la siinaayo taageerooyin yar yar oo kaliya kooxo dhowr ah oo shaqaale ah, maaha waxa aan u baahanahay si aan uga hortagno masiibo dhaqaale.
Dawladaha heerarka kala duwan waa in ay qaadaan tallaabo degdeg ah si ay u bixiyaan taageero dakhli oo ku filan oo si ballaaran loo heli karo:
- Taageerada dakhliga todobaadlaha ee aan ka yarayn $600.00 todobaadkii
- U hagaaji si joogta ah Caymiska Shaqada (EI)
- In la xakameeyo kororka qiimaha cuntada
- Hirgeli joojinta guri ka saarista kiraystayaasha.
- In la hubiyo in shirkadaha macaash doonka ah iyo maalqabeenadu ay bixiyaan cashuurta qaybtooda si cadaalad ah si ay u maalgaliyaan kaabayaasha bulshada iyo adeegyada guud, maadaama ay ka faa’iidaysanayaan maalgashiyadan
Doolar badan oo canshuur ah oo laga helo shirkadaha waaweyn ayaa maalgelin kara adeegyadayada dadweynaha. Ilaalinta adeegyada sida daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada waa dariiqa kaliya ay shaqaalaheenna oo kale ay awoodaan. Adeegyada guud ee sida wanaagsan loo maalgeliyo waxay abuuraan shaqooyin badan oo qaybaha dadweynaha ah waxayna hubinayaan in shaqaalaha iyo bulshadayadu helaan adeeg wanaagsan.
Tusaale ahaan, Ururka Kalkaaliyeyaasha Ontaariyo waxay og yihiin in maalgelin yarida daryeelka caafimaadku ee dawladda Ford ee Gobolka Ontaariyo ay khatar tahay. Shaqaale la’aan daran oo ka jirta isbitaaladayada ayaa ka dhiga bukaanada kuwo aan badbaado lahayn iyo kalkaaliyayaal shaqo badan. Kalkaaliyeyaasha iyo xulafadooda ayaa tallaabo ka qaaday 183 cosbitaal 20-kii Maarso si ay u dalbadaan isku dheelitirka saamiga kalkaalisada iyo tirade bukaanka! (better nurse – patient ratios).
Hadda waa marka culays la saari lahaa dhammaan heerarka dawladda ee kala duwan si ay danta iyo daryeelka shaqaaluha mudnaanta koowaad siin lahaayeen oo ay maalgashadaan bulshadeena.
Natiijooyinka Doorashada Ontaariyo
Doorashada Ontaariyo waxay dhacday sanad ka hor intii la filayay. Tani waxay ka dhigtay Premier Ford boos fiican inuu ku guuleysto. Waqtigoo yar iyo baraf badan, qaar badan ayaan fursad u helin inay wax badan ka bartaan musharraxiintooda ama u baxaan inay la hadlaan deriskooda. In kasta oo Ford dib loo doortay, haddana xisbigiisu ma haysto taageero badan sida ay u muuqato. Sawirkaani wuxuu muujinayaa go’aamada dhammaan cod-bixiyayaasha Ontario ee xaqa u leh:
Doorashada Federaalka oo dhacaysa 28-ka Abriil
Mark Carney hadda waa hogaamiyaha xisbiga Liberal Party ee Kanada, wuxuuna noqday ra’iisul wasaaraha cusub 14-kii Maarso. Carney wuxuu ku baaqay doorasho degdeg ah oo federal ah taas oo dhici doonta Abriil 28. Hadda waa waqtigii aad kala hadli lahayd musharaxiintaada wax ku saabsan dalabaadkayada ajendaha “shaqaalaha-koow” oo ah cidna yaa laga tagin! U dir iimayl wakiilladaada federaalka iyo gobolka. Haddii musharraxaagu albaabkaaga soo garaaco ama ka soo qayb galo dhacdo bulsho, weydii haddii ay u keeni doonaan taageerooyinka degdegga ah ee shaqaalaha. ( Send an email )
Hagaajinta Mushaharka Ugu Yar
Abriil 1, mushaharka ugu yar ee federaalku wuxuu ka kacay $17.30 ilaa $17.75 saacadii. Waxaan ku guulaysanay isku-habayntan sanadlaha ah si loo hubiyo in mushaharku uu la socdo sicir-bararka! Waxaa jira ilaa 910,000 oo shaqaale federaal ah oo nidaamsan oo uu daboolo Xeerka Shaqaalaha Kanada. Waxay ku sugan yihiin Warshadaha sida bangiyada, gaadiidka, isgaarsiinta, iyo macdanta.
Mushaharka ugu hooseeya ee Ontaariyo wuxuu kor uga kici doonaa $17.20 ilaa $17.60 Oktoobar 1, 2025. Waan ognahay inaysan ku filnayn, laakiin waa guul muhiim u ah shaqaalaha. Sannadka 2015, mushaharka ugu yar ee dadka waaweyn waxa uu ahaa $11 keliya. Toban sano ka dib, celceliska mushaharka ayaa hoos u dhacay 36%. Laakiin sababtoo ah sharciga aan ku guuleysanay, mushaharka ugu yar wuxuu kor u kici doonaa 61% bisha Oktoobar si uu ula socdo qiimaha nolosha! Aynu dagaalka sii wadno ugu yaraan si aan u gaarno $20, Shaqo isku mid ah oo leh mushahar isku mid ah, iyo in ka badan.
Wararka Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha (WAC)
Waxaan bixinaynaa wax yar oo warside (wargeysyo) daabacan, waxaanan sahamineynaa habab cusub oo sahlan lana heli karo oo loo cusbooneysiiyo xubinnimada Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha (WAC). Si aad u hesho warar dheeraad ah oo ku saabsan dhammaan luqadaha, fadlan kala soo degso WhatsApp taleefankaaga oo ku biir bulshada Wargeysyada Xubnaha WAC. Ama la xiriir Shawna@workeractioncentre.org si aad u weydiiso in laguugu daro bulshada.
Dayactirka xafiiska WAC ayaa bilaabmay! Waxaan si ku meel gaar ah u joognaa Suite 219:
- Meesha ku meel gaadhka ah, kombuyuutarku ma sii jiri doonaan in la ballansado.
- Booqashada waxay ahaan doontaa ballan kaliya.
Dhacdooyinka Soo Socda
Shirka Sannadlaha ah ee WAC (AGM)
Taariikhda: Jimce, Juun 20, 2025
Waqtiga: 6:00 galabnimo – 8:00 galabnimo
Goobta: Xarunta Dadka Asaliga Kanada ee Toronto (NCCT) / Native Canadian Centre of Toronto (NCCT)
16 Spadina Rd (waqooyiga Spadina tareenka dhulka hoostiisa mara)
Early AGM Notice | Board Nominations
Fadlan isdiiwaangeli ka hor Jimcaha, Juun 13 saacaddu markay tahay 6 galabnimo
Noo soo sheeg haddii aad u baahan tahay fasiraad.
Nala soo socodsii haddii aad u baahan tahay xannaano carruur.
Boosku waa xaddidan yahay, markaa fadlan ha ku martiqaadin martida qaangaarka ah ee aan xubin ka ahayn.
(Shawna@workersactioncentre.org)