Ma tahay darawal taraagle ah?
Shaqada ma ku wajahdaa Xaalado cadaalad darro ah?
Darawallo taraaglayaal ah oo fara badan ayaa ku wajaha shaqada xaalado fool xun, jaritaan sharci darro ah iyo in lagu khasbo in ay shaqeeyaan saacado badan. Waxaan rabnaa in aan jawaabo ka bixinno su’aalo caadi ah ee ku saabsan xaqiiqada xuquuqda shaqo. Fadlan, noo soo sheeg haddii aad cawinaad u baahato.
Ma waxaa ku khuseeya sharciga shaqaalaha Ontario mise sharciga shaqaalaha Federaalka?
Haddii shirkaddaada xamuulka ay alaabta u dhoofiso meel ka baxsan Ontario ama Kanada, waxay u badan tahay in aad hoos imaneyso Sharciga Shaqada Kanada oo ah Federal. Hase yeeshee, haddii shirkadda xamuulka ee aad u shaqeyso ay alaabta u kala dhoofiso Ontario gudaheeda, xuquuqdaada waxay hoos imaaneysaa sharciga shaqada ee Ontario.
Warqaddaan xaqiiqada ah, waxay ku siineysaa macluumaad inta badan ku saabsan sharciga federaalka. Haddii aad gaadidka ku waddo Ontario, fadlan nala soo xiriir si aad u hesho macluumaad badan oo ku saabsan xuquuqdaada.
Maxaa tahay shaqaale mise qandaraasle madax bannaan?
Shirkadaha gaadiidka, waxay darawallada u sheegaan in ay yihiin qandaraasle madax bannaan oo aan ahayn shaqaale.
Maxay tani muhiim noogu tahay? Hagaag,
waxay sababi kartaa farqi aad u weyn ee ku saabsan xuquuqda aad haysato, macaashka aad heleyso iyo difaaca sharci ee aad leedahay. Loo shaqeeye-yaasha waxay kula doonayaan in aad tahay qandaraasle madax bannaan si ay sharci darro wax uga jaraan Jeeggaaga si aadan u helin mushaarka aad qaadan lahayd.
Qandaaarsleyaasha madaxa bannaan ma aha kuwa sharci ahaan ay isku xuquuq yihiin shaqaalaha caadiga ah. Shaqaalaha oo keliya ayaa xaq u leh dalxiis, fasaxa guud (public holidays), bixinta saacadaha dheeriga ah (overtime) iyo waxyaabo kale
oo badan.
Xitaa haddii madaxdaadu ay kugu qaldaan in aad tahay qandaraasle madax bannaan isla markaana aad saxiixday heshiis oggolaasho ah, wali waxaad leedahay xuquuq. Nala soo xiriir si aad u ogaato tallaabada aad qaadi karto.
Saacadaha shaqada iyo kuwa dheeraadka ah
Darawallada jid weynaha (highway) laga doonayo maayo in ay gaadiidka wadaan 13 saac ka badan ama waajibkooda ay heegan u noqdaan 14 saac ka badan.
Toddobaadkii, 60 saacadood wixii ka badan waa in lagu siiyo lacagta saacadaha dheeriga ah (1 and ½ overtime). Waxaad heshiis ku geli kartaa in lagu siiyo saacado
fasax ah meesha aad ka heli lahayd lacagta saacadaha dheeriga ah, laakiin waa in aad
saxiixdaa heshiis qoraal ah.
Mushaarka ugu yar
Mushaarka hoose ee federaalka waa $17.30 waxaana lagu kordhinayaa sare u kaca maciishadda April 1 kasta. Haddii mushaarkaada aad ku qaadato shaqada ama kiilomitir, waa in saacad kasta oo aad shaqeyso lagu siiyaa mushaarka hoose.
Mushaarka hoose ee Ontaariyo waa $16.50 waxaana laga dhigi doonaa $17.20 Octoobar 1, 2024. Haddii shirkadda ay hoos timaaddo sharciga gobolka waa in saacad kasta oo aad shaqeyso lagu siiyaa mushaarka hoose.
Jaritaanka
Darawallo fara badan ayaa shirkaduhu lacag ka jaraan mushaarkooda iyagoo u sababeynaya tikit ganaax ah, shil, bixinta caymiska, iyo waxyaabo la mid ah.
Jaritaankaas waa sharci darro haddii aadan saxiixin heshiis. Loo shaqeeyahaagu waa in uu haystaa heshiis qoraal ah si uu mushaarkaaga lacag khaas ah uga jaro. Waxay u baahan yihiin in ay haystaan oggolaasho lacag jarid ah. Keliya ma lagugu xujeyn karo in jeeg kasta ay ka jartaan lacag.
Loo shaqeeyahaaga kuguma khasbi karo in aad saxiixdo heshiis. Adiga ayey kugu xiran tahay saxiixa. Haddii loo shaqeeyahaaga uu kugu khasbo in aad saxiixdo, hashiiskaas ma noqonayo mid sharciga waafaqsan. Waxaad xaq u leedahay in aad dacwooto si aad u hesho lacagta lagaa jaray.
Waqtiga Fasaxa iyo lacagta
Sannadyada Shaqada | Waqtiga Fasaxa | Lacagta Fasaxa (Doolar kasta aad heshay) |
Hal sano ka yar | Fasax ma lihid | 4% |
1 ilaa 5 sano | 2 toddobaad | 4% |
6 ilaa 10 sano | 3 toddobaad | 6% |
10 sano iyo ka badan | 4 toddobaad | 8% |
Lacagta Fasaxyada Guud
Sannadkii waxaa jira 10 maalmood oo fasax guud ah ee dawladda Federaalka. Haddii aad fasaxyadaas shaqeyso, waa in lagu siiyo lacagta fasaxa guud oo lagu daray saacadaha aad shaqeysay oo saacad waliba lagu dhuftay hal doollar iyo bar. Ama waxaa lagu siinayaa lacagta fasaxa guud iyo lacagta maalin kale oo aadan
shaqeynin. Haddii aadan shaqeyn maalinta fasaxa guud, waa in lagu siiyo lacagta maalintaas.
Fasaxyadaas tobanka ah waxay kala yihiin: Sannadka Cusub, Jimcaha Wanaagsan
(Good Friday), Maalinta Boqoradda Victoria, Maalinta Kanada, Maalinta Shaqada (Labour Day), Maalinta Qaranka ee Runta iyo Dib u heshiisiinta, Maalinta Mahadda
(Thanksgiving Day), Maalinta Xusuusta, Maalinta Krismiska, iyo Maalinta Bogsinka.
Fasaxa Shakhsiga Deg degga ah
Sannad kasta waxaad qaadan kartaa 5 maalmood oo lacag la’aan ah ee fasaxa shakhsiga deg degga ah. Ka dib 3 bilood markii aad shaqeyso, waa in lagu siiyo lacagta 3 maalmood oo ka mid ah maalmahaas. Maalmahaas waxaad qaadan kartaa markii uu xanuunsado qof ka mid ah qoyskaaga ama ay ku soo wajahdo arrin deg deg ah ee qoyska.
Mushaarka Maalmaha Xanuunka
Waxaad sannad kasta qaadan kartaa10 maalmood oo ah mushaarka fasaxa xanuunka. Ka dib markii aad shaqeyso 30 maalmood, waxaa lagu siinayaa 3 maalmood oo xanuunka ah. Ka dibna waxaad heleysaa 1 maalin oo kale oo fasaxa xanuunka bilowga bil kasta. Maalmaha fasaxa xanuunka oo aadan isticmaalin waxay u gudbayaan sannadka ku xiga, laakiin waxaad heleysaa isla markaana aad qaadan kartaa 10 maalmood oo keliya sannad kasta.
Lacagta Ruqsada
Haddii si ku meel gaar ah shaqada lagaaga joojiyo ama lagu ruqseeyo, waa in lagu siiyo digniin (notice) labada toddobaad ah. Tani, waxay kuu bilaabaneysaa ka dib markii aad shaqeyso 3 bilood. Sharciga Shaqaalaha Kanada kuma farayo in aad madaxdaada siiso ogeysiis markii aad shaqada ka tageyso. Hase yeeshee, haddii loo shaqeeyahaaga aad siiso digniin, ka dibna uu shaqada kaa joojiyo, waa in lagu siiyo lacagta ruqsada.
Aarggosi (Reprisal)
Waxaa sharci darro ah in madaxdaada ay ku ruqseeyaan ama ku ciqaabaan haddii aad weydiisato ama aad fuliso xuquuda aad leedahay. Hadii ay taasi dhacdo, keydso
nuqullada qoraalka ah iyo wixii macluumaad ah ee muujinaya in madaxdaadu ay ku
ciqaabeen.
Caafimaadka iyo Ammaanka
Xaqa ogaanshaha – loo shaqeeyahaagu waa in uu kuu sheegaa ama ku tusaa wixii khatar ah ee la xiriira shaqada, isla markaana uu ku siiyo macluumaad waafi ah, tababar iyo kormeer si looga hor tago khatar kasta oo la saadalin karo.
Xaqa ka qayb galka – goobaha shaqada waa in ay leeyihiin guddi ama wakiil (rep) qaabilsan caafimaadka iyo ammaanka oo ay doorteen shaqaalaha.
Xaqa diidmada – waxaad xaq u leedahay in aad diiddo shaqo kasta oo aad u aragto in ay tahay khatar. Ogow wixii aad u baahan tahay haddii ay arrintaasi dhacdo.
Magdhowga Shaqaalaha
Guddiga Ammaanka iyo Caymiska ee Goobaha Shaqada (WSIB) waa barnaamij ku saabsan magdhowga oo aad ka mid noqon karto haddii adoo shaqeynaya uu ku soo gaaro dhaawac ama aad cudur ka qaaddo. Xataa haddii aad tahay qanaraasle madax bannaan, waxaad xaq u leedahay in aad ka mid noqoto haddii uu shaqada kaa soo gaaro dhaawac.
Takhtarkaaga u sheeg in shaqada uu dhaawac kugu gaaray, si uu warbixin kugu saabsan uu u diro. Si degdeg ah WSIB ugu gudbi codsigaaga ka dib marka shaqada uu dhaawac kaa soo gaaro ama aad qaaddo cudur.
Shakhsi ahaan Is Ilaali
- Soo qaado nuqul heshiiska aad gashay. Ha isku saxiixin adigoo aan akhrinin.
Haddii loo shaqeeyaha uusan ku siinin nuqul heshiiska ah, iska hubi in qodobbada shaqadaada ay meel un ku qoran yihiin, nuqulna hayso (tusaale qoraalka ah: Haye Harbreet. Waxaan doonayaa oo keliya in aan xaqiijiyo in saacaddii aan qaadanayo $23, toddobaadkiina aan shaqeynayo 5 beri oo maalin kasta 10 saac ah). - Hayso diiwaanka saacadaha, taariikhda iyo goobta aad ka shaqeysay iyo dhibaato kasta oo dhacday. Guriga ku hayso diiwaanka ama telefonkaaga ku qoro.
- Diiwaan gasho xiriir kasta oo aad la yeelato loo shaqeeyahaaga, sida qoraal, email, teleefon, warqado, nuqul jeegga ah iyo T4 ka.
- Haddii lagu siiyo kaash, qoro taariikhda iyo saacadaha aad shaqeysay iyo lacagta lagu siiyay. Hayso nuqullada emaillada, rasiidyada shirkadaha deynta ama wixii kale oo caddeymo ah oo sheegaya inta lacag ah oo loo shaqeeyahaagu ku siiyay. Wali waxaad xaq u leedahay in aad codsato caymiska shaqada (EI) – markii aad joojiso shaqada, sida ugu dhaqsiyaha badan u codso.
- Haddii dhaawac ku soo gaaro ama cudur kugu dhaco, deg deg u gudbi warbixin ku saabsan waxa kugu dhacay. Madaxdaadu waxay isku dayayaan in aadan gudbinin warbixin ku saabsan dhibaatada ku haleeshay. Haddii ay arrintani dhacdo, qoro faahfaahin ku saabsan wixii dhacay, isla markaana na soo wac si aan kuu cawino.
- Haddii lagu handado ama lagu ciqaabo xuquuqda aad weydiisatay darted, qoro faahfaahin ku saabsan wixii dhacay, isla markaana na soo wac si aan kuu cawino.
- Qor dood kasta oo idin dhex marta adiga iyo loo shaqeeyahaaga (tusaale ahaan: Haye Bob, wali waxaan sugayaa in aad i siisaan lacagtii Julay 15ka ilaa 30ka, 2021. Waxaan idin ku leeyahay $2,561. Fadlan, ii sheeg goormaa lacagta i siineysaa).
- Haddi aad lacag ku leedahay, ha sugin waqti badan si laguu cawino.
Maxaa dhacaya haddii aad lacag ku leedahay madaxdaada?
Waxaad gudbin kartaa dacwad si aad u hesho lacagta aan lagu siinin, midda sharci darro lagaaga jaray iyo xad-gudub kasta oo xuquuqdaada lagu sameeyay.
Wsaaradda Shaqada Ontario – shuruucda Gobolka | Barnaamika Shaqada Federaalka –shuruucda Federaalka | Maxkamadda dacwadaha yar yar – shuruucda Gobolka Iyo Federaalka | |
Sida ay yihiin | waa fudeyd | waa fudeyd | waa adag tahay |
Qiimaha dacwadda | bilaash (free) | bilaash (free) | $100 gudbinta ilaa $400 iyo khidmado. |
Waqtiga dacwadda | 6 ilaa 9 bilood | 6 ilaa 9 bilood | 1 ilaa 3 sano |
Waqtiga aad gudbin karto dacwadda | 2 sano | 6 bilood | 2 sano |
SIDA AAD XUQUUQDAADA UGU DAGAALAMI KARTO
Ma lagugu ciqaabi karo in aad xuquuqdaada weydiisatay ama fulisay. Fadlan soo wac khadka teleefoonka xuquuqda shaqaalaha ee Ururka Difaaca Danaha Xoogsatada (Workers’ Action Centre) si aad u hesho macluumaad ku saabsan xuquuqdaada goobta shaqada: 416-531-0778 | https://www.workersactioncentre.org/
(Updated April 2023)