Shirkadaha qaarkood waxay u sheegaan shaqaalahooda inay yihiin qandaraaslayaal madax-bannaan xitaa marka ay run ahaantii yihiin shaqaale. Sidatan waxaa ay u sameeyaan si ay uga fogaadaan raacitaanka shuruucda shaqada ee aasaasiga ah iyo bixinta gunooyinka shaqaalaha iyo kharashyada kale. Tan waxa loo yaqaan si khaldan u kala soocida shaqaalaha. Ogow tillaabooyinka aad qaadayso si aad u go’aamiso xaaladdaada shaqaale oo aad fahamto sharciyada adiga ku ilaalinaya.
OGOW FARQIGA
Heerka shaqaalaynta (haddii aanu nahay shaqaale ama qandaraasleyaal madax-bannaan) waxay si toos ah u saamaynaysaa xuquuqaha aasaasiga ah aanu leenahay sida mushaharka ugu yar, mushaharka saacadaha dheeraadka ah, ilaalinta caafimaadka iyo badbaadada, fasaxyada shaqada lagu ilaaliyo, xuquuqda aadanaha iyo xaqa aan u leenahay in si wada jir ah loo gorgortamo oo aan ku biiro urur shaqaale.
Xaaladda shaqadu waxay sidoo kale saamaysaa xuquuqdayada Caymiska Shaqada (EI), Qorshaha Hawlgabka Kanada (CPP) iyo Badbaadada iyo Caymiska Goobta Shaqada (WSIB) ama magdhowga shaqaalaha sida badanaa loo yaqaan. Waxay saamaynaysaa sida naloola dhaqmo sida uu dhigayo sharciga cashuuraha dakhliga. Xaaladda shaqadu waxay sidoo kale saamaysaa waxa aan samayn karno marka mushaharka la bixiyo ama dhibaatooyin ay ka dhacaan shaqada.
Waxaa laga yaabaa inaad tahay SHAQAALE haddii ugu yaraan qaar ka mid ah kuwan soo socda ay ku khuseeyso ama nooca shaqadaada: | Waxaa laga yaabaa inaad tahay qandaraasle madax bannaan ama iskii u shaqeysta marka qaar ka mid ah kuwan soo socda ay ku khuseeyso ama nooca shaqadaada: |
● Waxaad tababar ka helaysaa shirkadda.
● Shirkadu waxay ilaalinaysaa shaqadaada. ● Ma aad xakamayn kartid shaqadaada, saacadahaaga ama heerka mushaharkaaga. ● Waxaad ku shaqeysaa qalab ama agab ay shirkadu ku siiso. ● Madaxdaada shaqada waa kan faa’iido ama khasaare keena. Ma bixinaysid kharashaadka ku baxa socodsiinta ganacsiga ama shirkada lagu socodsiinaayo, mana aad hesho faa’iidada in ka badan mushaharkaaga. ● Shaqadaadu waxay qayb cad ka tahay ganacsiga. |
● Adiga ayaa xakameynaya sida shaqadaada loo qabto. Waxaa laga yaabaa inaad shaqaaleysiiso dad kale oo kaa caawiya shaqada, adiga ayaana maamula shaqadooda; ma maamusho shirkada.
● Waxaad si xor ah ugala xaajoon kartaa mushaharkaaga iyo marka shaqadaada laguu qabanayo. ● Adiga ayaa leh oo mas’uul ka ah qaar ka mid ah qalabka ama agabka aad u isticmaasho inaad ku shaqeyso. ● Waxaad ka qaadanaysaa faa’iidada ama khasaaraha shaqada. Waad heleeysa haddii ay jirto faa’iido ama khassare haddii uu yimaado – markaa adiga ayaa mas’uul ka ah khasaaraha. ● Ma tihid qayb ka mid ah ganacsiga. Waxaad xor u tahay inaad doorato qofka aad u shaqaynayso ama isku mar aad u shaqayn karto shirkado kala duwan. |
Maxaa dhacaya haddii aadan weli garaneynin farqiga?
Mararka qaarkood ma sheegi kartid inaad tahay qandaraasle madaxbannaan ama shaqaale. Tusaale ahaan, madaxaagu waxa laga yaabaa inuu kormeero shaqadaada, laakiin waxaad isticmaashaa qaar ka mid ah qalabkaaga. Wac Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha si aad u hesho macluumaadka agabyada kaa caawin doona inaad go’aamiso heerkaaga shaqo.
ILAALI NAFTAADA
Xitaa haddii aad saxiixdo heshiis aad ku sheegtay inaad tahay qandaraasle madax-bannaan, waxaa laga yaabaa inaadan ahayn. Loo-shaqeeyahaagu si fudud uma beddeli karo heerkaaga shaqo isagoo kugu magacaabaaya qandaraasle madaxbannaan. Haddii aad saxiixdo qandaraas sheegaya inaad tahay qandaraasle madax-bannaan adigoo dhabtii ah shaqaale, waa inaadan lumin xuquuqdaada shaqaale ahaan.
- Weydiiso wakhti aad ku akhrido heshiiska ka hor inta aanad saxiixin. Haddii maamulahaagu kugu cadaadiyo inaad saxeexdo heshiiskaaga adigoon akhriyin, isku day inaad hesho nuqul ka mid ah heshiiska ama sawir ka qaad. Hayso koobiyada heshiis kasta oo aad hesho.
- Qor faahfaahinta shaqadaada: taariikhaha, saacadaha, mushaharka aad heshay iyo faahfaahinta ku saabsan shaqada aad qabato maalin kasta. Haddii aad u baahan tahay inaad waydiiso mushaharkaaga saacadaha dheeraadka ah, mushaharka fasaxa ama xitaa mushaharka ugu yar, waxay ku caawin doontaa inaad haysato dukumeentigan.
- Waa sharci darro in madaxaagu uu ku eryo ka hadalka xuquuqdaada. Haddii ay tani kugu dhacdo, qor tafaasiisha sida iyo goorta lagaa eryay. Waxa kale oo laga yaabaa in madaxaagu kugu qasbo in aad shaqada ka tagto isaga oo kugu dhibay shaqada. Qor faahfaahinta dhibaataynta.
- La hadal shaqaalaha kale. Ogow inay saxiixeen heshiis isku mid ah iyo in kale. Ka qaybgal kulanka macluumaadka Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha koox ahaan si aad u barato sidaad naftaada u ilaalin lahayd.
- Qor macluumaad kasta oo ku saabsan maamulahaaga iyo shirkadda aad ka heli karto: magaca, magaca, cinwaanka shaqada iyo guriga, lambarrada taleefanka, lambarka taargada.
- Haddii lagaa eryo, lagugu khasbo in aad shaqada ka tagto, waxa laga yaabaa inaad u qalanto Caymiska Shaqada. Diiwaanadaada faahfaahsan ayaa ku caawin doona markaad codsanayso dheefaha EI.
- Cabasho u gudbi Wasaaradda Shaqada. Way adkaan kartaa in la caddeeyo inaad shaqaale tahay. La xidhiidh Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha wixii gargaar ah.
Haddii aad u malaynayso in xuquuqdaada lagu xadgudbay, wac Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha si aad caawimo u hesho:
(416) 531-0778 / 1-855-531-0778 ama www.workersactioncentre.org
Steve waa koronto yaqaan. Waxa uu u shaqaynayay shirkad muddo sanad ka badan. Waxa loola dhaqmay sidii shaqaale. Kadib shaqo ka fadhiisi kooban, Steve shaqadii ayuu ku soo noqday. Markan kaliya maamuluhu wuxuu sheegay in Steve uu hadda yahay qandaraasle madaxbannaan. Shirkaddu waxay joojisay bixinta EI, CPP, mushaharka fasaxa, iyo ka jarista cashuuraha. Maamuluhu waligiis uma sheegin sababta xaaladiisa shaqo isu beddeshay, waligiisna heshiis lama saxeexin Steve iyo asxaabtiisa. Steve waxa uu rumaysan yahay in aanu ahayn qandaraasle mana fahmin waxa loo shaqeeyaha ula jeedo marka uu yiraahdo Steve waa qandaraasle hoose. Shaqaale badan sida Steve ayaa runtii ah shaqaale si khaldan loo kala saaray.