MUXUU YAHAY SHARCIGA SHAQAALAHA ONTARIO?
Sharciga Shaqaalaha Ontario waa heerka ugu hooseeya ee laga doonayo in shirkadaha shaqada ay u hoggaansamaan. Marnaba ha isku saxiixin heshiis ka soo horjeeda xuquuqdaada. Xataa haddii aad saxiixdo heshiis ka hooseeya heerka sharcigaas, wali waad leedahay xaqaada. Sharcigaasi kuma xirna in aad haysato dhalasho, degganaasho joogta ah ama haysashada warqadda shaqada. Xataa haddii aad tijaabo ku jirto, saacado kooban aad shaqeyso ama aad tahay shaqaale ku meel gaar ah, sharcigaasi isaga ah waa uu ku khuseeyaa.
Hase yeeshee, Sharcigaan, si siman uma khuseeyo shaqaalaha oo idil. Tusaale ahaan, shaqaalaha beeraleyda ah ama kormeerayaasha guud ee daaraha dheer dheer ma haystaan xuquuqda mushaarka ugu hooseeya ama saacadaha dheeriga ah. Haddii aad tahay qof iskiis u shaqeysta, sharcigaasi ma difaacayo xuquuqdaada.
Ugu dambeyn, shaqooyinka federaalka, sida Bankiyada ama isgaarsiinta waxaa nidaaminaya Sharciga Shaqaalaha Kanada.
Warqaddan gundhigga ah faah faahin buuxda kama bixineyso Sharciga Shaqaalaha Ontario. Sidaas darted, fadlan soo wac Ururka Difaaca Xuquuqda shaqalaha, si lagaaga cawino xuquuqdaada goobta shaqada.
MUSHAARKA UGU HOOSEEYA
Shaqooyinka intooda badani, saacad kasta oo aad shaqeyso, waa in lagu siiyaa mushaarka ugu hooseeya. Xataa haddii aad ku shaqeyso komishan ama saacado kooban, waxaad xaq u leedahay mushaarka ugu hooseeya. Guud ahaan mushaarka ugu yar waa $17.20 saacaddii. Hase yeeshee, ardayda da’doodu ay ka yar tahay 18 sano isla markaana toddobadkii shaqeeya 28 saac ama ka yar waxay qaadanayaan $16.20 saacaddii.
SAACADAHA SHAQADA
Guud ahaan, saacadaha shaqada waa 8 saac maalin kasta ama 48 saac toddobaadkiiba. Hase yeeshee, shirkaddaadu waxay si qoraal ah kuu weydiisan kartaa in aad saacado dheeri ah shaqeyso taddobaad kasta.
Waxaad xaq u leedahay nus saac nasasho lacag la’aan ah, 5 saac markii aad shaqeyso ka dib. Nasashadaada, waxaad u kala jabin kartaa laba qaybood oo midkiiba ah 15 daqiiqo.
Ma jiraan qodobo nidaaminaya goorta shirkadda ay ku siineyso jadwalka aad ku shaqeyneyso. Xataa ma jiraan qodobo nidaaminaya jadwalka saacadaha ugu yar ee toddobaad kasta aad ku shaqeyneyso.
SAACADAHA DHEERIGA AH
Toddobaad kasta markii aad shaqeyso 44 saac, waa in lagu siiyo 1.5 saacad kasta oo dheeri ah. Madaxda shaqadaada, waxay ku weydiisan karaan in saacadaha dheeriga ah la isku cel celiyo wixii ka badan toddobaad. Tusaale ahaan, haddii hal toddobaad aad shaqeyso 40 saac, midka ku xigana aad shaqeyso 60 saac, isku cel celis waxay noqoneysaa 50 saacadood toddobaadkiiba, taasoo aad xaq u yeelaneyso 12 saac oo dheeri ah, halka ay noqon lahayd 16 saac oo cel celis la’aan ah.
Shirkadda aad u shaeyso, waxaad si qoraal ah ugula heshiin kartaa in saacadaha dheeriga ah oo aad xaqa u leedahay lagu siiyo fasax iyadoo halkii saacba laguu xisaabinayo 1.5.
HEERKA ILAALINTA SHAQADA
Waxaad xaq u leedahay heerar kala duwan oo ilaalinaya shaqadaada. Tusaale ahaan, waxaa ka mid ah:
Sick Leave: 3 maalmood oo fasax lacag la’aan ah ee xanuunka, dhaawaca iyo sababo caafimaad oo deg deg ah.
Fasaxa Masuuliyadda Qoyska: 3 maalmood oo fasax lacag la’aan ah ee xanuun, dhaawac, caafimaad deg deg ah ama arrimo muhim ah ee soo wajaha xubin ka tirsan qoyskaaga.
Fasaxa Dhalmada: haweenka uurka leh ee shaqeeya, waxay xaq u leeyihiin 17 toddobaad oo fasax lacag la’aan ah.
Fasaxa Waalidka: haweenka uurka leh, waxay xaq u yeelanayaan 61 toddobaad oo fasax lacag la’aan ah. Halka dhammaan waalidka cusub ay qaadan karaan 63 toddobaad oo fasax lacag la’aan ah.
WAQTIGA FASAXA LACAGTA AH
Ka dib markii aad hal sano shirkadda u shaqeyso, waxaad xaq u yeelaneysaa 2 toddobaad oo fasax lacag ah. Ka dib markii aad isla shirkadda u shaqeyso 5 sano, waxaad xaq u yeelaneysaa 3 toddobaad oo fasax lacag ah.
Waqtiga fasaxa iyo fasaxa lacagta ah waa ay kala duwan yihiin. Xataa haddii sannadka 1aad aadan xaq u lahayn waqtiga fasaxa ama aadan qaadanin fasaxaaga, waxaad xaq u leedahay fasax lacag ah. Xataa haddii aad hal saac shaqeysay, waxaad xaq u leedahay fasax lacag ah.
Fasaxaaga lacagta ah, wuxuu ku bilaabanayaa 4% ee lacagta aad shaqeysay. Ka dib, markii aad isla hal shirkad 5 sano u soo shaqeysay fasaxaaga lacagta ah wuxuu noqonayaa 6% ee lacagtaa soo shaqeysatay. Shirkadda aad u shaqeyso, waxaad kula heshiin kartaa in fasaxaaga lacagtiisa laguugu daro jeegaggaaga lacagtooda.
FASAXYADA GUUD
Waxaad xaq u leedahay 9 maalmood oo fasax guud ah sannad kasta, kuwaasoo kala ah: Maalinta Sannadka Cusub, Maalinta Qoyska, Jimcaha Wanaagsan, Maalinta Boqoradda Victoria, Maalinta Kanada, Maalinta Shaqada, Maalinta Mahdinta, Maalinta Masiixiga iyo maalinta ku xigta ee loo yaqaan Boxing Day.
Lacagta fasaxyada Guud, waxaa laguu xisaabinayaa afartii toddobaad ee aad soo shaqeysay oo loo qaybiyay 20. Si aad xaq ugu yeelato lacagta fasaxyada Guud, waa in aad shaqeysaa maalinta fasaxa, maalinta ka horreysa iyo midda ka dambeysa.
Haddii aad shaqeyso maalin fasax guud ah, waxaad heshiis qoraal ah ku geli kartaa in lagu siiyo saacadaha aad shaqeysay oo lagu dhuftay 1.5 iyo lacagtaada caadiga ah ee maalintaas. Haddii aad shaqeyso maalin fasax guud, waxaad codsan kartaa in lagu siiyo lacagtaada caadiga ah iyo maalin fasax ah lacagteeda.
OGEYSIISKA RUQSADA IYO LACAGTEEDA
Haddii aad shaqeysay 3 bilood ka yar, ogeysiis la’aan ayaa lagu ruqseyn karaa. Waa in lagu siiyaa ogeysiis qoraal ah oo caddeynaya malinta ruqsadaada haddii aad shaqeysay 3 bilood ka badan. Haddii aan lagu siinin ogeysiis, waa in lagu siiyaa lacagta ruqsada ama aad heshaa labadaba. Lacagta ruqsada darteed laguu siinayo ama ogeysiiskeeda waxay ku xiran tahay muddada aad shirkadda u soo shaqeysay. Waxaad xaq u yeelaneysaa 8 toddobaad lacagtooda haddii aad soo shaqeysay 8 sano.
XAQA XOOGSATADA KU MEEL GAARKA
Guud ahaan, shaqaalaha shirkadaha ku meel gaarka, waxay isku xuquuq yihiin shaqaalaha kale ee hoos yimaada sharciga shaqada (ESA). Isla markaana, waxaad xusuusataa:
- Wakaalad kuguma dallici karto khidmad in aad u shaqeyso ama ay ku meeleysay dartood.
- Haddii wakaaladdu ay ku siisay shaqo 3 bilood ah, laakiin ay ka hor ku ruqseyso, waxaad xaq u yeelaneysaa ogeysiis hal toddobaad ah ama lacag.
- Haddii wakaaladdu aysan mushaar ku siinin, shirkadda aad u shaqeysay ayaa lacagta masuuliyaddeeda qaadeysa.
SIDA XUQUUQDAADA LOOGU DAGAALLAMO
Wax ciqaab ah kuma muteysan kartid in aad weydiisatay ama u doodday xuquuqdaada shaqaalenimo.
Si laguu siiyo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xuquuqdaada shaqada, fadlan soo wac telefoonka khadka tooska ah ee Ururka Difaaca xuquuda shaqaalaha (Workers’ Action Centre.)
416-531-0778 ama soo booqo bogga hoose
www.workersacationcentre.org
Haddii xuquuqdaada lagu xad gudbo, waxaad kala dooran kartaa in aad dacwad qoraal ah u dirto Wasaaradda Shaqada ama Maxkamadaha qaada dacwadaha yar yar.
1-800-531-5551 ama soo booqo bogga halkan hoose ku qoran:
www.labour.gov.on.ca/
Updated October 2024